U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya awood ma u leedahay inay marin-biyoodka Baabul Mendab ka mamnuucdo maraakiibta dowladda ku Xadgudub Qarannimada ?

Abriil 18, 2026

Dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku hanjabtay inay tillaabo ka qaadi doonto dalalka ku xadgudub Qarannimada iyo midnimada dalka, ayadoo sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin ay kamid tahay inay marin-biyoodka muhiimka Baabul Mendab ka mamnuuci doonto dowlado uu ku jiro maamulka Israa’iil.

Haddaba Soomaaliya Awood ma u leedahay inay xayiraadda saarto marin-biyoodka Baabul Mendab ama dalalka Qaar ay ka mamnuucdo?

Marinka Bab el-Mandeb, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaa maalin kasta mara maraakiib ganacsi iyo kuwo shidaal sida, taasoo ka dhigaysa meel istiraatiiji ah oo ay daneeyaan quwadaha waaweyn iyo dalalka gobolka.

Inkasta oo Soomaaliya ay leedahay xeeb dheer oo muhiim ah, haddana marinkan si toos ah uguma jiro gacanta Soomaaliya oo keliya, balse waxaa la wadaaga dalal kale sida Yemen iyo Djibouti.

Marka laga hadlayo dhinaca sharciga, heshiisyada caalamiga ah ee uu hormuudka ka yahay United Nations, gaar ahaan United Nations Convention on the Law of the Sea, waxay dhigayaan in waddan kastaa uu leeyahay awood buuxda oo ku saabsan baddiisa gudaha iyo ilaa 12 mayl-badeed oo xuduud ah.

Soomaaliya sidaas ayay xaq sharci ah ugu leedahay inay maamusho cidda soo gasha badda ku dhow xeebteeda, marin-biyoodka Baabul Mendab-na Soomaaliya qeyb bay ka tahay dalalka uu ka dhexeeyo.

Si kastaba ha ahaatee marinnada caalamiga ah sida Bab el-Mandeb waxaa lagu dabaqaa xeerka “transit passage”, kaasoo u oggolaanaya maraakiibta inay si xor ah uga gudbaan, xitaa marka ay maraan meel u dhow xuduudaha dalalka.

Arrin kalena waa in qeyb ay Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodkaasi uu ka tirsanyahay maamulka Soomaaliland oo siyaasad ahaan iyo maamul ahaanba u diiddan dowladnimada iyo midnimada Soomaaliya, taas oo sii adkaynaysa inay DFS si buuxda u maamusho qeybta ay ku leedahay marinka Baabul Mendab.

Arrintan waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya, inkasta oo ay leedahay xuquuq badeed, aysan si keligeed ah u xannibi karin ama uga mamnuuci karin maraakiibta shisheeye marinka Bab el-Mandeb oo dhan.

Tallaabo noocaas ah waxay u baahan lahayd iskaashi ballaaran oo lala yeesho dalalka kale ee marinka wadaaga iyo sidoo kale taageero caalami ah, ayadoo ay intaas dheer tahay, joogitaanka ciidamada badda ee quwadaha waaweyn iyo ururada sida NATO ee biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Haddaba si ay qabaan falanqeeyaashu Soomaaliya waxay xayiraadda saari kartaa marin-biyoodka muhiimka Baabul Mendab marka ay iskaashi kala samayso Yemen, Jabuuti, Turkiga, iyo Masar oo dhammaantood diiddan is ballaarinta Israa’iil ee gobolka, balse saamaynta ay reer galbeedka ku leeyihiin dalalkaas ayaa adkaynaysa inay tillaabadaas isku raacaan.

Si kastaba ha ahaatee inkasta oo Soomaaliya ay sharci ahaan xaq u leedahay ilaalinta badda ku xeeran, haddana awoodda ay u leedahay inay si buuxda uga mamnuucdo maraakiibta shisheeye marinka Bab el-Mandeb waa mid xaddidan, una baahan iskaashi caalami ah iyo awood militari oo ka weyn tan ay hadda haysato.