U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir oo Lumiyay Kalsoonida Shacabka Caasimadda ee Canshuurbixiyayaasha ah

Abriil 21, 2026

Roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa si cad u muujiyay dhibaato muddo qarsoonayd, taasoo ah dhismooyin aan tayo lahayn oo lagu bixiyay lacago badan oo laga qaaday shacabka.

Warta Siigaale, oo dhowaan xarigga laga jaray 9kii bishan, laguna tilmaamay mashruuc muhiim ah oo lagu bixiyay malaayiin doollar, ayaa ku burburtay waqti aad u kooban. Arrintani ma muujinayso oo kaliya dhismayaal dumay, sidoo kale, waa sumcaddii maamulka Gobolka Banaadir iyo kalsooni shacabka oo burburtay.

Marka mashruuc dhowaan la daahfuray uu sidaas u burburo, waxaa cad in dhismahaasi uusan lahayn tayadii laga rabay. Tani waxay muujinaysaa in naqshaddii, agabkii iyo fulintii shaqada ay dhammaantood ahaayeen kuwo liita.

Dhacdadan waxay, dhinaca kale, soo bandhigaysaa khasaaro dhaqaale oo baaxad weyn. Lacagtii lagu bixiyay mashruucaasi waxay noqotay hal bacaad lagu lisay, waxaana mar kale loo baahan doonaa miisaaniyad cusub, si dibudhiso loogu sameeyo. Waa culays dheeraad ah oo dusha fuulaya shacabka hore canshuurtooda u bixiyay ee laga khasaariyay.

Dhinaca kale, burburkan wuxuu dhaawacayaa kalsoonida shacabka. Dadku waxay arkaan mashruucyo la furayo, lacago badan oo lagu bixinayo, balse aan sii waarin. Kalsoonidii lagu qabay maamulka iyo mashaariicda horumarineed ayaa si weyn hoos ugu dhacday.

Sidoo kale, haddii mashruucaasi ahaa mid lagu xalinayay daadadka, burburkiisu wuxuu wuxuu soo bandhigay in dhibaatadii weli taagan tahay. Magaalada Muqdisho waxay weli wajihi doontaa caqabado la xiriira roobabka iyo fatahaadaha.

Waxaa xusid mudan in tani aysan ahayn dhacdo gooni ah. Waddada laamiga ah ee u dhaxeysa Soobe iyo CID ayaa hore u burburtay wax yar kadib markii la dhisay, taasoo keentay in shirkaddii loo xil saaray dib loogu celiyo shaqada. Taasi waxay caddaysayin khaladaadkan ay noqdeen kuwo soo noqnoqda.

Xogaha cusub ayaa, sidoo kale, tilmaamaya in roobkii shalay uu sababay burbur kale oo gaaray waddooyin badan oo ku yaalla xaafadaha Muqdisho, halka interloogyo (interlocks) badan ay biyuhu qaadeen. Arrintan ayaa dhalisay walaac hor leh oo ku aaddan tayada dhismayaasha iyo qorshaynta magaalooyinka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nidaamka interloogga ee lagu qasbo shacabka uu noqday mid ay maamullada degmooyinka dhaqaale ka sameeyaan, balse aan la hubinin tayadiisa iyo waxtarkiisa. Ilawareedyo la xiriira arrintan, oo ay ka mid yihiin injineerro, sida Injineer Axmed Xasan Guuleed, ayaa tilmaamay in habka fulinta mashaariicdan uu u baahan yahay dib-u-eegis dhab ah.

Marka la isu geeyo dhacdooyinkan, waxaa soo baxay in arrintu ka weyn tahay hal mashruuc oo fashilmay. Waxaa muuqata nidaam liita oo aan lahayn hufnaan, kormeer iyo islaxisaabtan dhab ah.