Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya mid ka mid ah imtixaannadii siyaasadeed ee ugu adag tan iyo markii uu xilka dib ugu soo laabtay, iyadoo ay soo dhow yihiin doorashooyinka hoggaanka dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed.
Doorashooyinkan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah xisbiga talada haya ee JSP, maadaama musharixiinta u taagan saddexdan maamul ay inta badan yihiin xubno si dhow ula shaqeeya madaxweynaha, taasoo ka dhigaysa xulashada musharraxa rasmiga ah mid leh miisaan siyaasadeed oo ballaaran.
Galmudug, tartanka ayaa u muuqda mid aad u adag, iyadoo ay isku hayaan madaxweynaha xilka haya Axmed Cabdi Kaariye, taliyaha hay’adda nabad sugidda Mahad Maxamed Salaad, iyo sidoo kale Liibaan Axmed Xasan, iyo musharixiin kale oo dhammaantood leh xiriir dhow oo siyaasadeed iyo mid shaqsiyeedba la leh madaxweynaha.
Dhanka Koonfurgalbeed, waxaa ka jira loollan kale oo xooggan, iyadoo xubno culus oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha Baarlamaanka, wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka, iyo siyaasiyiin kale oo saameyn leh ay u tartamayaan hoggaanka maamulkaas.
Dhinacyadan ayaa intooda badan waxay ka tirsan yihiin isla xisbiga JSP, ayadoo qaarkoodna ay si dhow xariir ula leeyihiin Villa Soomaaliya, taasoo sii adkeynaysa go’aanka Madaxweynaha iyo cidda uu xulanayo.
Sidoo kale, Hirshabeelle ayaa wajahaysa xaalad la mid ah, iyadoo tartanka uu u dhexeeyo xubno ka wada tirsan xisbiga JSP, kuwaas oo mid walba doonayo inuu helo taageerada tooska ah ee madaxweynaha.
doorashada ama xulashada uu madaxweynuhu xubnahan loolamaya ka dhex sameeyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yeelan karta saameyn ballaaran oo gudaha xisbiga iyo xukuumaddaba ah.
Taageeridda musharrax gaar ahi waxay keeni kartaa kala fogaansho siyaasadeed, halka dhexdhexaadnimaduna ay wiiqi karto awoodda xisbiga ee ku aaddan maamulidda geeddi-socodka doorashooyinka.
Sidoo kale, waxaa jirta cabsi laga qabo in haddii aan si xeel dheer loo maareyn, tartamadan ay sababi karaan khilaafyo gudaha ah oo saameeya midnimada xisbiga JSP iyo xasilloonida guud ee siyaasadda dalka.
Si kastaba ha ahaatee indhaha siyaasadda dalka ayaa ku soo jeeda Villa Soomaaliya, iyadoo la sugayo sida uu Madaxweynuhu u maareeyo imtixaankan adag, iyo go’aanka uu ka qaato musharixiinta isku haya hoggaanka dowlad goboleedyada, go’aan kaas oo saameyn weyn ku yeelan doona jihada siyaasadeed ee Soomaaliya bilaha soo socda.