Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan 33 dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab , kuwaas oo ka dhacay deegaanka Guulane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, halkaas oo lagu dilay 15 xubnood, laguna burburiyay xarumo ay gabaad ka dhiganayeen.
Sidoo kale, waxaa la beegsaday xarumo kale oo ay ku diyaarinayeen abaabullo maleeshiyaad iyo maleegidda falal amni darro ah.
Intaa waxaa dheer, howlgal kale oo isxig-xigay ayaa lagu dilay in ka badan 18 dagaalyahan oo dheeraad ah, iyadoo la burburiyay gaari Cabdi-bile ah oo ay u adeegsanayeen qaraxyo iyo weerarro.
Tallaabadan ayaa si weyn u wiiqday awooddii kooxda ee deegaankaasi.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka kadib la xaqiijiyay in maleeshiyaad gaaraya 90 xubnood lagu uruuriyay deegaanka si ay u abaabulaan falal amni darro, balse la qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu fashiliyay qorshahooda.
Ugu dambeyn, NISA ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.
From the comments