Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka qayb galay shir degdeg ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay hab muuqaal fogaan ah (videoconference).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qaraar ay soo gudbisay Dowladda Boqortooyada Baxreyn, kaas oo ku saabsan weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalal Carbeed iyo waajibaadka saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee ku aaddan sharciga caalamiga ah.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay taageero buuxda oo ay la garab taagan tahay dalalka Carabta ee wajahaya weerarradan, iyadoo si adag u cambaareysay tallaabooyinka Iiraan.




From the comments