Warbixinno xasaasi ah oo dhowaan soo baxay ayaa daaha ka rogay baaxadda khasaaraha bini’aadanimo ee ciidamada Mareykanka ka soo gaaray iska horimaadyada ka dhashay xiisadda gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan weerrarada lala xiriiriyo dalka Iran.
Sida ay qortay majaladda baarta xogaha qarsoon ee “The Intercept”, oo soo xiganaysa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, tirada guud ee askarta Mareykanka ee ku dhimata ama ku dhaawacantay howlgaladan ayaa gaartay 750 askari.
Xogtan ayaa muujinaysay in Taliska Milatariga Mareykanka uu si ula kac ah u qarinayay tirada dhabta ah ee khasaaraha tan iyo markii ay billowdeen iska horimaadyadu.
Xogta rasmiga ah ee laga helay nidaamka falanqaynta khasaaraha ee Pentagon-ka ayaa muujinaysay in inta badan askarta waxyeelladu soo gaartay ay yihiin dhaawacyo culus oo ka dhashay weerraro is-daba-joog ah.
Qaybaha ciidanka ee khasaaruhu saameeyey waxaa ka mid ah:
Dhaawacyada Guud: 271 askari oo isugu jira dhaawacyo kala duwan.
Ciidanka Badda (Navy): 63 askari oo dhaawac ah.
Ciidanka Cirka (Air Force): 62 askari oo dhaawac ah.
Ciidanka Mariniska (Marines): 19 askari oo dhaawac ah.
Weerrarada ka dhanka ah Iran iyo Iskaashiga Israa’iil
Warbixintu waxay si gaar ah u xustay in howlgalada milatari ee Mareykanka uu la kaashanayey Israa’iil ee ka dhanka ahaa Iran ay dhasheen khasaarihii ugu dambeeyey ee la xaqiijiyey. Xogta ayaa tilmaamaysa in 13 askari ay ku dhinteen, halka 415 kalena ay ku dhaawacmeen weerraradaas dhexmaray labada dhinac.
Saameynta iyo Shaki ku xeeran Pentagon-ka
Kashifaadan cusub ayaa dhalisay shaki weyn oo ku aadan daacadnimada xogta uu bixiyo Pentagon-ka. Dadka falanqeeya arrimaha milatariga ayaa aamminsan in Mareykanku uu ka baqayo in shaacinta khasaare intan le’eg ay dhaliso gadood shacab iyo cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah, gaar ahaan xilli dalku uu isu diyaarinayo doorashooyin iyo isbeddello waaweyn.
Ilaa hadda, ma jiro hadal rasmi ah oo ka soo baxay Aqalka Cad oo looga jawaabayo xogtan ay baahiyeen majaladda The Intercept iyo telefishinka Al-Jazeera, kuwaas oo si faahfaahsan u soo bandhigay sawirka dhabta ah ee ka dambeeya derbiga Pentagon-ka.