Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay waddo qorshe cusub oo lagu fududeynayo cunaqabataynta saaran dalka Eritrea, isla markaana dib loogu soo celinayo xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, sida uu qoray The Wall Street Journal.
Warbixinta ayaa sheegtay in qorshahan uu weli ku jiro marxalad tixgelin ah, balse uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad cusub oo Mareykanku ka wado gobolka Red Sea, si loo xoojiyo saameyntiisa gobolka.
Saraakiil Mareykan ah ayaa rumeysan in Eritrea ay leedahay muhiimad juqraafiyeed oo istiraatiiji ah, maadaama ay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas, taas oo muhiim u ah amniga marinnada badda iyo ganacsiga caalamiga ah.




From the comments