Ugu yaraan dhowr weerar oo isku mar ah ayaa maanta ka dhacay dalka Mali, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo ciidan iyo goobo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Bamako iyo magaalooyin kale.
Qaraxyo iyo rasaas culus ayaa laga maqlay agagaarka xerada milatariga Kati iyo garoonka diyaaradaha Bamako, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamada Mali ay iska caabiyeen kooxaha hubeysan ee weerarka qaaday.
Mas’uuliyiinta Mali ayaa sheegay in xaaladda amni la xakameynayo, inkastoo weerarradan loo arko kuwo ka mid ah kuwii ugu waaweynaa ee dalkaas ka dhaca muddooyinkii u dambeeyay.




From the comments