Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee United Nations u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isuduwaha Gargaarka Degdegga ah, Tom Fletcher.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray mudnaanta arrimaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah ee la xiriira abaaraha, fatahaadaha iyo baahiyaha sii kordhaya ee bulshada nugul.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay dadaallada dib-u-soo kabashada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah.




From the comments