U bood dhigaalka

Maxaa Keenay Soo Laabashada Burcad-badeedda Soomaaliya?

Abriil 29, 2026

Afduubka doonta kalluumeysi ee Al Waseemi 786 iyo markabkii xamuulka ahaa ee dhawaan lagu qabsaday meel lix mayl-badeed u jirta dekedda Garacad ayaa mar kale soo nooleeyay cabsidii laga qabay dib usoo laabashada burcad-badeedda Soomaalida.
Xilli muddooyinkii u dambeeyay la dareemayay dhaqdhaqaaqyo sii kordhaya oo ay kooxahani ka wadaan biyaha Soomaaliya iyo marin-biyoodka ku dhow.

Digniinta ay soo saartay Xarunta Amniga Badaha ee Badweynta Hindiya ayaa tilmaamaysay in doonta laga leeyahay Iiraan ee Al Waseemi 786 ay gacanta u gashay burcad-badeed Soomaali ah, iyadoo dhacdadan laga soo wariyay meel qiyaastii 400 mayl-badeed bari kaga beegan Muqdisho.

Khubarada amniga badda ayaa rumeysan in doontan aan loo qabsan oo keliya madax-furasho, balse laga yaabo in loo adeegsado saldhig ay burcaddu ka fuliso weerarro kale, taas oo dib u soo celinaysa xeeladihii hore ee kooxahan caan ku ahaayeen.

Dhacdadan waxaa sii xoojisay warbixintii UK Maritime Trade Operations ee sheegtay in markab xamuul siday lagu afduubtay meel lix mayl-badeed u jirta Garacad, isla markaana si khasab ah loogu leexiyay gudaha biyaha Soomaaliya.

Afduubkan cusub ayaa kusoo aaday xilli horey loo hadal hayay afduubyadii loo geystay maraakiib kale, taas oo dhalisay walaac ku saabsan in kooxaha burcad-badeeddu mar kale si abaabulan usoo laabteen.

Wararka amniga ayaa tilmaamaya in kooxahan hadda awood u yeesheen inay ka fogaadaan xeebaha, isla markaana gaaraan meelo fog oo ay ku beegsadaan maraakiibta ganacsiga.

Waxaa xitaa la sheegay in qalabka iyo xeeladaha ay adeegsadaan ay u suurtagelinayaan inay weerarro ka fuliyaan boqolaal mayl-badeed oo ka baxsan xeebaha Soomaaliya, taas oo si weyn u beddeshay qaabkii halista loo arki jiray.

Khubaro badan ayaa arrintan ku xiraya hoos u dhaca cadaadiska lagu hayay burcad-badeedda sanadihii u dambeeyay, iyadoo roondooyinkii joogtada ahaa ee ciidamada caalamiga ah yaraadeen, halka mudnaanta amniga badaha qaarkood loo wareejiyay khilaafaadyo kale oo gobolka ka jira.

Fursaddaas ayay kooxaha burcad-badeeddu ka faa’iideysteen si ay dib isu abaabulaan.

Sidoo kale waxaa jirta walaac ku saabsan in doonyaha kalluumeysiga la afduubto oo loo beddelo saldhigyo weerar ay burcaddu ku dhex dhuuman karto, taas oo adkeyn karta in la kala saaro maraakiibta rayidka iyo kuwa loo adeegsanayo weerarrada.

Tani waxay sare u qaadaysaa halista ku wajahan maraakiibta maraysa Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Digniinaha la siiyay maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan in aysan u dhowaan aagagga khatarta leh, waxay muujinayaan heerka walaaca laga qabo in weerarradan ay sii bataan. Tan iyo dabayaaqadii 2023 waxaa la diiwaangeliyay dhacdooyin badan oo la xiriira isku dayo afduub iyo weerarro badeed, taas oo muujinaysa in khatarta burcad-badeeddu aysan ahayn mid dhammaatay.

Dhacdooyinkan is xigxigay waxay dib u soo nooleeyeen su’aalihii ku saabsanaa sida loo wajahayo soo laabashada burcad-badeedda, iyadoo falanqeeyayaal badani ay sheegayaan in tani ay dhabar-jab ku tahay dadaalladii caalamiga ahaa ee lagu xasilinayay amniga marin-badeedyada muhiimka ah ee Geeska Afrika.