Goobjoog

Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Dharkenley oo lagu dhaawacay Muqdisho

Xildhibaan Maxamed Muuse Sanweyne oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Dharkenley ayaa xalay koox hubeysan ku dhaawacday degmada Dharkenley, kadib weerar ka dhacay gudaha degmadaasi. Wararka la helayo ayaa sheegaya…

Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Dharkenley oo lagu dhaawacay Muqdisho

Xildhibaan Maxamed Muuse Sanweyne oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Dharkenley ayaa xalay koox hubeysan ku dhaawacday degmada Dharkenley, kadib weerar ka dhacay gudaha degmadaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in rag hubeysan ay rasaas ku fureen xildhibaanka, iyadoo xabadda ay kaga dhacday qaarka dambe.

Sida la sheegay, xildhibaanka ayaa isku dayay inuu ka badbaado weerarka, isagoo u cararay qol ku dhex yaalla farmashi uu ku sugnaa xilliga falka dhacayay.

Dableydii falka geysatay ayaa goobta ka baxsatay isla markiiba kadib weerarka, mana jirto cid illaa hadda loo qabtay.

Xildhibaanka dhaawacmay ayaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu daweynayo xaaladdiisa.

xildhibaan Maxamed Muuse Sanweyne ayaa ka mid ah mudaneyaasha cusub ee Golaha Deegaanka Dharkenley ee dhowaan la dhaariyay, inkastoo goluhu aanu wali si rasmi ah u yeelan fadhi buuxa.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay weerarka, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda falkaasi, iyadoo hay’adaha ammaanka aysan weli ka hadlin dhacdadan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments