U bood dhigaalka

Muxuu yahay xariirka ka dhexeeya dib u soo laba kacleynaysa Burcad-badeedda Soomaalida iyo dagaalka Iiraan?

Maajo 2, 2026




Muddooyinkii waxaa kale cirka isku sii shareerayay walaaca laga qabo dib usoo noqoshada burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya, kaddib markii ugu yaraan afar markab lagu afduubtay ama lagu weeraray muddo laba toddobaad gudahood ah, arrintaas oo dib u soo celisay xusuusta xilligii Geeska Afrika uu ahaa goobta ugu qatarsan ee burcad-badeeddu ka hawlgasho.


Warbixin ay daabacday Al Jazeera ayaa sheegtay in maraakiib ganacsi oo dhowr ah lagu qafaashay xeebaha Puntland tan iyo 20-kii April, waxaana ka mid ah markabka kalluumeysiga Alkhary 2 iyo markabka shidaalka Honour 25, kaas oo la sheegay inuu siday ku dhowaad 18,500 foosto oo shidaal ah kuna sii jeeday Muqdisho.


Saraakiisha amniga badda Yurub ayaa xaqiijiyay in markabkaasi weli lala socdo isagoo ku jira biyaha Soomaaliya oo hadda lagu haysto.


Xarunta amniga badaha ee Indian Ocean Maritime Security Centre ayaa sheegtay in weerarradii ugu dambeeyay ay ku lug lahaayeen kooxo hubeysan oo si abaabulan u shaqeynaya, iyadoo markab kale oo lagu magacaabo Sward isna laga afduubtay 26-kii April meel u dhow xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya.


Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sare u qaaday heerka khatarta xeebaha Soomaaliya, ayadoo ku tilmaamtay mid sare, waxayna ugu digtay maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Baabul Mendab inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.


Khubarada amniga badda ayaa rumeysan in dib u soo noqoshada burcad-badeedda ay la xiriiri karto mashquulka ciidamada caalamiga ah ee ka dhashay colaadaha Bariga Dhexe, gaar ahaan xiisadda u dhaxeysa Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, taas oo saameysay ilaalada maraakiibta ee Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Baabul Mendab.


Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in kooxaha burcad-badeeddu ka faa’iideysanayaan yaraanshaha kormeerka badda iyo jahawareerka amni ee gobolka.


Si kastaba ha ahaatee dib usoo laabashada weerarrada burcad-badeedda ayaa walaac weyn ku abuurtay shirkadaha maraakiibta caalamiga ah, maadaama burcad-badeedda Soomaaliya ay mar hore dhaqaalaha adduunka khasaare balaayiin doollar ugu geysan karaan si lamid ah xilligii ugu darnaa ee sanadihii 2008 ilaa 2012.