xiisadda u dhexeysa Donald Trump iyo Iiraan ayaa sii xoogeysanaysa, kadib markii Maraykanku uu dhowaan qabsaday maraakiib ay Iiraan leedahay, ayadoo madaxweyne Trump uu dhowaan sheegay inay muddada cunaqabateynta iyo go’doominta dekedaha Iiraan kordhin doonaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ay si adag uga jawaabtay hadal uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka, ayadoo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei, uu sheegay in hadalkii Trump ee ku saabsanaa qabashada maraakiibta Iiraan oo uu ku tilmaamay burcad-badeednimo uusan ahayn qalad afka ka dhacay, balse uu yahay qirasho cad oo ku saabsan fal dambiyeed.
Trump ayaa Jimcihii sheegay ciidamada badda Mareykanka inay u dhaqmayaan sidii burcad-badeed,isagoo sharaxayay howlgal lagu qabtay markab iyo shixnad shidaal oo la xiriirta Iiraan.




From the comments