U bood dhigaalka

Maxaa Hurinaya Xiisadda Diblamaasiyadeed ee Suudaan iyo Itoobiya?

Maajo 6, 2026

Khartuum iyo Addis Ababa ayaa galay marxalad diblamaasiyadeed oo sii xumaaneysa, kadib markii dowladda Suudaan ay Itoobiya ku eedeysay faragelin toos ah oo la xiriirta dagaalka gudaha dalkaasi.

Xiisaddan oo horey ugu saleysneyd muranno xuduudeed iyo khilaafka biyaha Webiga Nile, ayaa hadda isu beddeshay muran amni iyo milateri oo culus.

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo lagu weeraray magaalooyin muhiim ah ay kasoo duuleen dhulka Itoobiya, gaar ahaan deegaannada ku dhow xadka labada dal.

Saraakiil amni oo Suudaani ah ayaa tilmaamay in gobollada Benishangul-Gumuz iyo Amhara ay noqdeen goobo lagu abaabulo weerarrada cirka ee lagu bartilmaameedsanayo gudaha Suudaan.

Weerarradaasi ayaa si gaar ah u saameeyay magaalooyinka Khartuum iyo Kurmuk, iyadoo Suudaan ay ku tilmaamtay arrintaasi jabin cad oo ka dhan ah madax-bannaanida dalka.

Tallaabadaasi waxay sare u qaaday shakiga iyo carooyinka ay Khartuum ka qabto Addis Ababa, waxaana xigay in Suudaan ay dib ugu yeerato safiirkeedii Itoobiya.

Dhanka kale, dowladda Suudaan waxay Itoobiya ku eedeysay inay taageero siiso xoogagga RSF ee dagaalka kula jira ciidanka dowladda. Inkastoo Addis Ababa aysan si rasmi ah uga jawaabin eedeymahaasi, haddana warbixinno ay daabaceen warbaahinta caalamiga ah ayaa xusay jiritaanka tuhuno ku saabsan xiriir u dhexeeya Itoobiya iyo kooxda RSF.

Falanqeeyayaasha gobolka ayaa qaba in arrintani ay meesha ka saartay kaalintii dhexdhexaadnimo ee Itoobiya ay horey ugu lahayd arrimaha Suudaan, taasoo dhaawac weyn ku noqotay kalsoonidii labada dhinac.