Dowladda Turkey ayaa qaaday tallaabo cusub oo dhanka awoodda milatariga ah, kadib markii ay shaacisay qorshe ay ku tijaabinayso gantaal nooca ICBM ah (Intercontinental Ballistic Missile), kaas oo awood u leh inuu gaaro masaafo dhan 6,000-km.
Warbixin ay daabacday Bloomberg ayaa sheegtay in gantaalkan oo lagu magacaabo “Yildirimhan” lagu soo bandhigay bandhigga difaaca ee SAHA Expo ee magaalada Istanbul, iyadoo ilo xog-ogaal ah ay tilmaameen in Turkiga qorsheynayo inuu tijaabada ugu horreysa ku sameeyo gudaha Somalia dabayaaqada sanadkan.
Haddii qorshahan hirgalo, Turkiga wuxuu ku biiri doonaa dalalka kooban ee haysta gantaallada qaaradaha isaga gudba, oo ay kamid yihiin United States, Russia iyo China.




From the comments