Warar ay heshay Warbaahinta Goobjoog ayaa sheegaya in Madaxweynaha Buntilaan, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbalaan Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) lagu wado inay 13ka May yimaadaan magaalada Muqdisho, kadib dadaallo ay waddo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Sida wararku tilmaamayaan, Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa bilowday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in xal looga gaaro muranka siyaasadeed iyo khilaafka ka taagan hanaanka doorashooyinka dalka, kaddib markii xubnaha mucaaradka ay diideen kulankii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed.
Safaaradda ayaa la sheegay inay casuumaad u dirtay madaxda maamulada Buntilaan iyo Jubbalaan, sidoo kale, xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si loo abuuro jawi wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.




From the comments