Warar ay heshay Warbaahinta Goobjoog ayaa sheegaya in Madaxweynaha Buntilaan, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbalaan Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) lagu wado inay 13ka May yimaadaan magaalada Muqdisho, kadib dadaallo ay waddo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Sida wararku tilmaamayaan, Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa bilowday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in xal looga gaaro muranka siyaasadeed iyo khilaafka ka taagan hanaanka doorashooyinka dalka, kaddib markii xubnaha mucaaradka ay diideen kulankii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed.
Safaaradda ayaa la sheegay inay casuumaad u dirtay madaxda maamulada Buntilaan iyo Jubbalaan, sidoo kale, xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, si loo abuuro jawi wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.
Dadaalladan ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, amniga magaalada Muqdisho iyo mowqifyada iska soo horjeeda ee Dawladda Federaalka ah iyo mucaaradka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Safaaradda Maraykanku doonayso inay qaadato door dhexdhexaadin ah, si dhinacyada siyaasadda Soomaaliya loogu qanciyo inay miiska wadahadalka ku xalliyaan khilaafaadka jira.