Goobjoog

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Mucaaraadka iyo dowladda ee ka socda Muqdisho

Waxaa goordhow soo idlaaday shirkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo dhinacyadu ay isku fahmi waayeen qodobadii…

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Mucaaraadka iyo dowladda ee ka socda Muqdisho

Waxaa goordhow soo idlaaday shirkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo dhinacyadu ay isku fahmi waayeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee laga doodayay.

Shirka oo ay qeyb ka ahayd Beesha Caalamka ayaa la sheegay in dood adag ay ka dhalatay nooca doorasho ee dalka uu geli doono iyo hannaanka siyaasadeed ee lagu wajahayo marxaladda soo socota.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in wakiillada Beesha Caalamka ay markii dambe ka baxeen shirka, kadib markii dooddu ay qaadatay waqti dheer islamarkaana aan wax heshiis ah laga gaarin arrimaha miiska saarnaa.

Qodobka ugu weyn ee la isku mari waayay ayaa ahaa hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo mucaaradku ay dalbanayaan doorasho heshiis lagu yahay, halka dowladda ay ku adkeysaneyso qorshaha ay horay u shaacisay.

Inkasta oo kulanku uu kusoo dhammaaday natiijo la’aan, haddana dhinacyadu waxay isku raaceen in galabta markale la isugu soo laabto fadhi kale oo lagu sii ambaqaadi doono wada-hadallada.

Kulamadan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo cadaadiska siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadda dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments