Ankara, 15 May 2026 — Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-26), taas oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah laguna qabanayo magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Shirweynaha sanadkan ayaa lagu qabanayaa halku-dhigga “Hagidda Xuduudaha Dhijitaalka ah”, iyadoo diiradda la saarayo waddooyinka nidaaminta ee lagu gaari karo mustaqbal dhijitaal oo adkaysi leh oo loo dhan yahay.
Maalintii ugu horreysay ee shirweynaha, Maareeyaha Guud ayaa ka qeyb galay dood-cilmiyeed heer sare ah oo ay isugu yimaadeen Madaxda Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (Heads of Regulators’ Executive Roundtable), kaas oo ay madaxda hay’adahu kaga wada hadlayeen mudnaanta iyo caqabadaha waaweyn ee horyaalla qeybta dhijitaalka ah ee caalamka.




From the comments