Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud uu soo dhaweynayo diyaar garowga labada dhinac ee wada-hadalka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan wada-xaajoodka si loo gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale muujisay muhiimadda ay leedahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ku gaaraan is-afgarad wadajir ah oo lagu xoojinayo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu hubinayo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.




From the comments