Dalka Yemen waxaa toddobaadyadii u dambeeyay si weyn looga hadal hayay haweeney lagu magacaabo Mira Saddaam Xuseen, oo sheegtay inay tahay gabadha madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen.
Kiiska haweeney oo sheegtay inay hanti ka dhaceen kooxda Xuutiyiinta ayaa noqday mid si weyn loogu falanqeeyo waddooyinka, baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha Yemen.
Mira ayaa ku eedeysay qaar ka mid ah madaxda kooxda Xuutiyiinta inay xoog ku qabsadeen gurigeeda oo ku yaalla magaalada Sanca, isla markaana ay ka qaateen hanti ay leedahay, waxayna markaas gargaar ka dalbatay shacabka Yemen iyo mid ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Al-Jawf si loogu soo celiyo hantideeda.
Odaygaas ayaa gaaray Sanca, wuxuuna baahiyay muuqaal uu ku sheegay inuu helay caddeymo muujinaya in gurigaasi dhab ahaan iyadu leeyahay, isla markaana deriska deegaanku ay si fiican u yaqaannaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Mira uu horey masuul uga ahaa madaxweynihii hore ee Yemen, Ali Abdullah Saleh, ayadoo warbaahinta Yemen ay sheegtay in wada-hadallo laga galay xalinta arrintani ay fashilmeen, islamarkaana kooxda Xuutiyiintu ay xireen odayga dhaqanka iyo Mira, taas oo sii kordhisay doodda kiiskeeda.
Mira waxay sheegtay in aabaheed, Saddam Hussein, uu Yemen u diray kadib duullaankii Mareykanka ee Ciraaq, si ay u hoos tagto ilaalinta Cali Cabdalla Saalax, waxayna sheegtay in xukuumaddii waqtigaas siisay guri iyo xuquuqo kale oo nolol sharaf leh u suurtagelisay.
Waxay sidoo kale sheegtay inay magac kale ku nooleyd muddo dheer, iyadoo la joogta qoys Yemeni ah oo xiriir dhow la lahaa madaxweynihii hore.
Kadib dilkii Cali Cabdalla Saalax sanadkii 2017, Mira waxay marar badan sheegtay in laga dhacay gurigeeda iyo hanti ay ku jiraan dahab, lacag iyo gawaari.
Kiiskaas ayaa muddo sanado ah ka socday maxkamadaha Sanca,
ayadoo Kooxda Xuutiyiintu ay ku eedeysay Mira inay sameysatay aqoonsi Ciraaqi ah oo been abuur ah, isla markaana ay iska dhigeyso gabadha Saddaam Xuseen si ay u hesho faa’iidooyin dhaqaale, islamarkaana ay xitaa la sheegtay in muddo xabsi ah la geliyay.
Mira ayaa dhankeeda sheegtay inay u safartay dalka Masar si looga qaado baaritaanka DNA-da, natiijaduna ay caddeysay nasabkeeda, Hase yeeshee maamulka Sanca ayaa diiday natiijadaas.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Xuutiyiinta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sheegashada Mira aysan waxba ka jirin, waxayna sheegtay in haweeneydan ay dhab ahaantii tahay muwaadinad Yemeni ah, magaceeduna yahay Sumaya, kuna dhalatay Sanca.
Bayaan ka soo baxay maamulka ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaan DNA ah lagu sameeyay iyada iyo labo qof oo la sheegay inay yihiin waalidkeedii dhabta ahaa, iyadoo natiijadu muujisay xiriir hidde-sideed oo gaaraya 99.99%.
Kiiskan ayaa si weyn u kala qeybiyay bulshada Yemen, Qaar ayaa rumeysan in arrintu wali mugdi ku jirto, halka kuwo kalena ay ku doodayaan in baaritaan madax-bannaan oo caalami ah oo DNA ah uu yahay waddada keliya ee lagu soo afjari karo muranka.
Ilaa hadda lama oga xaaladda Mira kadib bayaankii ugu dambeeyay, inkastoo warbaahinta Yemen ay sheegtay inay wali ku jirto xabsi ay gacanta ku hayaan kooxda Xuutiyiintu.