Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo Sanduuqa Nabadda ee Qaramada Midoobay (UN Peacebuilding Fund) ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada nabad-dhisidda, horumarinta hay’adaha dowladda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada loo fidinayo hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira dowlad-dhiska, maamulka wanaagsan iyo kobcinta awoodda hay’adaha qaranka.
Mas’uulka Sanduuqa Nabadda ee Qaramada Midoobay, Brian James Williams, ayaa bogaadiyey shaqada guddiga xuquuqda aadanaha iyo dadaallada ay ku bixiyaan ilaalinta isla xisaabtanka iyo xuquuqda aadanaha, inkastoo ay jiraan duruufo adag oo dalka ka jira.




From the comments