U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in ugu yaraan 6 xubnood oo Al-Shabaab ah lagu diley howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

Maajo 22, 2026

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey abaabul ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay lix xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay hub iyo agab ay maleeshiyaadku adeegsanayeen.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo shacabka loogu baaqay inay taageeraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa adkaysay in la labanlaabi doono gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab si looga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.