Olole layaab leh oo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa dhowaan caddeeyay sida dhallinyarada dalka Hindiya ay u beddeleen hannaanka cabashada, mucaaradnimada iyo dibadbaxa.
Halkii ay diidmadooda siyaasadeed u adeegsan lahaayeen mudaharaadyo rabshado leh ama iska-horimaad toos ah, waxay adeegsadeen maadaysi siyaasadeed iyo awoodda internedka, si ay uga falceliyaan hadal caro badan dhaliyay oo ka soo yeeray mid ka mid ah madaxda garsoorka ugu sarreeya dalkaas.
Sheekadan ayaa bilaabatay ka dib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hindiya uu madal fagaare ah ka sheegay hadal dhallinyaro badan ka caraysiiyay
. Wuxuu ku tilmaamay qaar ka mid ah dhallinyarada shaqo la’aanta ah inay u nool yihiin sida “baranbarooyin” iyo dad dulin ku ah nidaamka, kuwaas oo aan shaqaysan, qaarkoodna iska dhiga wariyaal, halka kuwo kalana ay baraha bulshada u adeegsadaan inay weeraraan hay’adaha dawladda iyo dadka xilalka haya.
Hadalkaas ayaa noqday mid si degdeg ah u qabsaday doodda bulshada, gaar ahaan dhallinyarada Hindiya oo wajahaya shaqala’aan, culaysyo dhaqaale iyo halgan nololeed. Dhallinyaro badan oo wax baratay, shahaadooyin haysata, haddana aan shaqo helin, ayaa u arkay hadalkaas aflagaaddo iyo yasid lagula kacay jiil dhan. Hasayeeshee, jawaabta dhallinyaradu ma noqon caro iyo in ay giirka kiciyaan ee waxay la yimaaddeen hal-abuur yaab leh!
Wiil dhallinyaro Hindi ah oo lagu magacaabo Abhijeet Dipke ayaa bilaabay olole maadaysi iyo kajan ah, isaga oo hadalkii “baranbarada” u rogay hub siyaasadeed. Wuxuu aasaasay xisbi maadaysi ah oo lagu magacaabay “Cockroach Janta Party” ama “Xisbiga Baranbarada ee Shacabka”, waxaana loo soo gaabiyay CJP. Magacan ayaa si ulakac ah ugu ekaysiinayay magaca xisbiga talada haya ee Hindiya, Bharatiya Janata Party, oo loo yaqaan BJP. Markaas ayay sheekadii maadda siyaasadeed ahayd heshay taageero xoog leh.
Xisbiga Baranbarada wuxuu sameeyay websayd, bogag baraha bulshada ah, astaamo, sawirro, boorar iyo farriimo kaftan siyaasadeed xanbaarsan.
Astaanta xisbiga waxaa laga dhigay baranbaro xiran suud iyo garabaati, taagan masrax khudbadeed, una muuqata sidii siyaasi dhallinyarada la hadlaya.
Sawirro kale oo lagu abuuray garaadgacmeedka (Artificial Intelligence) ayaa lagu faafiyay websaydka iyo baraha bulshada, kuwaas oo si kaftan iyo dhaleecayn ah u muujinayay “baranbarooyin” isu abaabulay xisbi siyaasadeed.
Shuruudaha xubinnimada xisbiga ayaa iyaguna ahaa maad si toos ah loogu durayo hadalkii garsooraha. Waxaa lagu sheegay in qofka ku biiraya xisbiga uu yahay qof shaqo la’aan ah, si fiican u yaqaan cabashada dawladda, awoodna u leh inuu si joogto ah uga hadlo dhibaatooyinka dhallinyarada. Dhammaan arrimahan waxay ahaayeen majaajillo siyaasadeed, balse waxay huwanaayeen farriin dhab ah: dhallinyarada lama yasi karo.
Maalmo kooban gudahood, ololihii “Cockroach Janta Party” wuxuu noqday mid internedka qabsaday. Waxaa la sheegay in bogagga baraha bulshada ee xisbiga, gaar ahaan Instagram, ay heleen taageerayaal aad u tiro badan oo kor u dhaafay malaayiin, xitaa mararka qaarna laga sheegay inay ka badan yihiin kuwa raaca bogagga rasmiga ah ee xisbiga talada haya ee BJP. Inkastoo tiradaas loo baahan karo in si madaxbannaan loo xaqiijiyo, haddana waxa aan muran ku jirin waa in ololuhu noqday astaan u taagan awoodda dhallinyarada iyo sida kaftanka siyaasadeed uu u noqon karo dhaqdhaqaaq bulsho oo xoog leh.
Markii dowladda Hindiya aragtay saameynta ay sheekadu yeelatay, waxaa la sheegay inay iskudayday inay dejiso carada dhallinyarada. Websaydkii xisbiga maadayska ah ayaa la sheegay in la xannibay ama la adkeeyay helitaankiisa, iyadoo laga cabsi qabay in ololaha internedka ka bilowday uu isu beddelo kacdoon bulsho oo ballaaran. Dhanka kale, guddoomiyihii hadalka yiri ayaa markii danbe iskudayay in uu sharaxo hadalkiisa, isagoo sheegay in ujeeddadiisu aysan ahayn inuu aflagaaddeeyo dhallinyarada Hindiya oo dhan, balse uu ula jeeday dadka wata shahaadooyin been-abuur ah ama nidaamka si qaldan uga faa’iideysta.
Laakiin, sharraxaaddaas ma joojin kaftankii iyo cambaareyntii socotay. Dhallinyaradu waxay sii wadeen inay mas’uuliyiinta ku weydiiyaan weydiimo jeesjees ah, sida: “Maxaad uga baqaysaan baranbarooyinka?” Weydiintaas fudud waxay noqotay farriin siyaasadeed oo culus. Waxay muujisay in marka dhallinyaro la yaso, ay ereyga lagu aflagaaddeeyay u rogi karaan astaan ay ku midaysnaan.
Sheekada “Xisbiga Baranbarada” waxay cashar weyn u tahay dawladaha, madaxda iyo hay’adaha awoodda haya. Dhallinyaradu mararka qaar waxay u muuqan karaan dad aan awood badan lahayn, shaqa-la’aan ah ama aan nidaamka wax badan ka beddeli karin. Laakiin, marka ay isu yimaadaan, gaar ahaan marka ay adeegsadaan internedka, hal-abuurka, majaajillada iyo farriin midaysan, waxay noqon karaan awood aan si fudud loo maquunin karin.
Dalka Hindiya, dhacdadan ayaa muujisay in maadaysku uu noqon karo hab mucaaradnimo. Wuxuu noqon karaa wax-isweydiin siyaasadeed. Wuxuu noqon karaa codka jiil dareemaya in la dayacay, la quursaday, lana fahmi waayay.
Ugu danbayn, farriinta ugu weyn ee sheekadan laga qaadan karo waa tan: qof kasta oo mas’uul dawladeed ah waa in uusan dhayalsan dhallinyarada. Erey yar oo lagu yaso jiil dhan wuxuu dhalin karaa falcelin ka weyn intii la filayay. Haddii dhallinyaradu soo jeestaan, xitaa magaca lagu aflagaaddeeyay ayay u rogi karaan awood ay ku dagaallamaan.
Baranbarooyinkii la dhayalsaday waxay noqdeen xisbi. Kaftankii internedkana wuxuu noqday cashar siyaasadeed.