MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Iiraan, Mareykanka, iyo dalka Bakistaan oo dhex-dhexaadin ka dhex wada, ayaa ku dhawaaqay in horumar weyn laga sameeyey wadahadallada rasmiga ah ee loogu jiro soo afjaridda dagaalkii dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan, kaasi oo muddo ku dhow saddex bilood ka hor ka qarxay gobolka.
Mas’uuliyiinta sarsare ee saddexda dhinac ayaa soo saaray qodobada ay ku taagan yihiin wadahadalladan, waxaana hadalladoodu u dhaceen si tan dhow:
Mas’uul Amni oo u dhashay dalka Bakistaan:
Isagoo ka warramayay booqashadii Taliyaha Ciidanka Bakistaan uu ku tagay magaalada Tehraan iyo kulammadii uu la yeeshay madaxda Iiraan, wuxuu yiri: “Waqti xaadirkan waxaa la dhameystirayaa ‘heshiis hordhac ah’ (Memorandum of Understanding) oo si rasmi ah loogu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan:
Ka dib kulan dhexmaray Isku-duwaha wadahadallada Iiraan Maxamed Baqir Qalibaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabas Ciraqji, iyo Caasim Muniir oo ah Taliyaha Ciidanka Bakistaan, waxay wasaaraddu sheegtay: “Tehraan waxay xoogga saaraysaa sidii loo dhamesytiri lahaa, loona saari lahaa isbaddalka ugu dambeeyey ee heshiiska hordhaca ah ee nabadda.”
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump:
Shabadakadda caalamiga ah ee “CBS News” oo soo xigatay madaxweyne Trump, ayaa sheegtay inuu yiri: “Ergeyda wadahadalka ee Mareykanka iyo Iiraan waxay hadda ‘aad ugu dhowyihiin’ inay gaaraan heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjarayo dagaalka labada dhinac.”
Dagaalkan oo saameyn weyn ku yeeshay caalamka ayaa hadda u muuqda mid laga gaaray isbaddal nabadeed oo weyn, iyadoo la dhowrayo saacadaha soo socda bayaan dowladeed oo rasmi ah.
From the comments