Goobjoog

Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo Ka Hadashay Hakinta iyo Celinta Socotada Soomaaliyeed ee Garoonka Qaahira

Qaahira – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday inay dadaallo xooggan wadday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, si xal loogu helo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu…

Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo Ka Hadashay Hakinta iyo Celinta Socotada Soomaaliyeed ee Garoonka Qaahira

Qaahira – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday inay dadaallo xooggan wadday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, si xal loogu helo muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu hakiyay, qaar kalena laga celiyay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ah ee Qaahira.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay in habeenkii Khamiista ee 21-ka bishan uu Danjiraha Soomaaliya ee Masar, ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, uu gaaray Garoonka Qaahira si uu u xalliyo xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirnaa halkaasi.

Danjiraha iyo masuuliyiinta Safaaradda ayaa la sheegay inay ku guuleysteen sii deynta in ka badan 20 muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa garoonka, inkastoo ay jireen dad kale oo dib loogu celiyay dalalkii ay kasoo safreen.

Dadkan ayaa hore ugu safri jiray dalka Masar nidaamka dal-ku-galka ee caadiga ahaa, balse dowladda Masar ayaa hadda hakisay qaabkaasi.

Safaaradda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay wada-hadallo iyo kulamo joogto ah la yeelatay hay’adaha ay arrintan khusayso ee dowladda Masar, si xal looga gaaro hakinta iyo celinta kediska ah ee lagu sameeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aan wax ogeysiis ah la siin Safaaradda ama hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in qaar kamid ah dadka dib loo celiyay ay u safreen Masar arrimo caafimaad iyo daaweyn la xiriira.

Ugu dambeyn, Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ayaa kula talisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qorsheynaya safarka Masar, inay si dhow ula socdaan wararka iyo tilmaamaha cusub ee kasoo baxaya Safaaradda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments