U bood dhigaalka

Soomaaliya oo noqotay xudunta ugu weyn ee saameynta Turkiga ee Geeska Afrika

Maajo 25, 2026

Soomaaliya ayaa noqotay xarunta ugu muhiimsan ee Turkigu ka dhisanayo saameyntiisa Geeska Afrika iyo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka.

Xiriirka labada dal oo markii hore ku koobnaa gargaar bani’aadamnimo ayaa maanta isu beddelay iskaashi ballaaran oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta, difaaca iyo siyaasadda gobolka taabanaya.

Bilowga xiriirkan cusub wuxuu si weyn u soo ifbaxay sanadkii 2011, markii Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho taariikhi ah ku yimid Mogadishu xilli Soomaaliya ay wajahaysey abaaro, macluul iyo amni darro baahsan.

Booqashadaas ayaa dunida u dirtay fariin cusub oo muujisay in Soomaaliya aysan ahayn oo keliya dal burbur ka jiro, balse ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka gobolka.

Kadib socdaalkaas, Turkigu wuxuu si degdeg ah uga hirgeliyay Soomaaliya mashaariic waaweyn oo ay ka mid yihiin waddooyin, isbitaallo, xarumo waxbarasho iyo adeegyo bulshada ah.

Waxaa sidoo kale dib loo furay safaaradda Turkiga ee Muqdisho, halka shirkadda Turkish Airlines ay noqotay diyaaraddii ugu horreysay ee caalami ah ee duulimaad toos ah ku timaadda Muqdisho kadib burburkii dowladdii dhexe.

Markii xiriirka labada dhinac sii xoogeystay, shirkado Turki ah ayaa gacanta ku dhigay maareynta kaabayaasha muhiimka ah sida Garoonka Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

Arrintaas waxay kor u qaaday dakhliga dowladda iyo adeegyada, halka Ankara ay ka heshay joogitaan dhaqaale oo sii xoojinaya saameynteeda gobolka.

Isbeddelka ugu weyn wuxuu yimid sanadkii 2017 markii Muqdisho laga furay saldhigga militari ee TURKSOM oo loo aqoonsaday saldhigga ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibadda.

Halkaas waxaa lagu tababaray kumannaan askari Soomaaliyeed, iyadoo ciidamadaas loo arko laf-dhabarta dib-u-dhiska awoodda militariga Soomaaliya.

Soomaaliya waxay muhiimad gaar ah u leedahay Turkiga sababo la xiriira juquraafi ahaan meesha ay ku taallo.

Dalka wuxuu leeyahay xeebta ugu dheer Afrika, wuxuuna ku dhow yahay marinno ganacsi oo isku xira Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Cidda saameyn ku yeelata goobahan waxay si weyn u saameyn kartaa ganacsiga iyo amniga gobolka oo dhan.

Sanadkii 2024, xiriirka labada dal wuxuu galay heer cusub kadib heshiisyo laga gaaray difaaca, amniga badda iyo shidaalka.

Heshiisyadan ayaa Turkiga siinaya door weyn oo ku saabsan ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo sahaminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Waxaa sidoo kale xeebaha Soomaaliya gaaray maraakiib Turki ah oo qeyb ka ah howlaha sahaminta iyo amniga badda.

Dhanka kale, taageerayaasha xiriirkan waxay sheegayaan in Soomaaliya ay ka faa’iideysaneyso maalgashi, tababar ciidan, kaabayaal dhaqaale iyo taageero diblomaasiyadeed, halka Turkigu uu helayo saameyn goboleed iyo fursado dhaqaale oo sii xoojinaya doorkiisa Afrika.

Si kastaba, waxaa jira dad dhaliilsan qaabka uu xiriirkan u socdo. Qaar ayaa ka walaacsan in Soomaaliya ay si xad dhaaf ah ugu tiirsanaato awood shisheeye, halka kuwo kale ay su’aalo ka keenayaan heshiisyada shidaalka iyo sida loo ilaalinayo madax-bannaanida dalka.

Inkasta oo Turkigu saameyn ku leeyahay dalal badan sida Libya, Qatar, Syria iyo Sudan, haddana Soomaaliya ayaa maanta loo arkaa xudunta ugu weyn ee Ankara uga faa’iideysaneyso Geeska Afrika.

Shan iyo toban sano kadib booqashadii Erdoğan ee Muqdisho, Soomaaliya waxay noqotay goobta ugu muhiimsan ee Turkigu ka dhisanayo saameyntiisa siyaasadeed, militari iyo dhaqaale ee gobolka. Su’aasha hadda taagan ayaa ah: xiriirkan sii xoogeysanaya ma Soomaaliya ayuu u horseedi doonaa awood iyo isku filnaansho, mise wuxuu sii kordhin doonaa ku-tiirsanaanta quwadaha shisheeye?