U bood dhigaalka

RW Xamsa: Soomaaliya Waxay Ka Soo Kabatay Marxaladihii Adkaa ee Amni Darrada

Maajo 27, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho oo uu sheegay inay si weyn uga soo kabatay dhibaatooyinkii amni ee dalka soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabad lagu weynaynayay maalmaha Ciidda kula dabaaldegay bulshada ku nool Muqdisho, ayaa tilmaamay in laga gudbay marxaladihii adkaa ee qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ay fulin jireen kooxaha Shabaab, islamarkaana maanta shacabka ay si nabad ah ugu damaashaadayaan farxadda Ciidda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in guulaha amni ee la gaaray ay horseedeen horumar muuqda oo dhinacyada dhaqaalaha iyo dowladnimada ah, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay markhaati ka yihiin isbeddelka dalka ka dhacay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn u bogaadiyay ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha amniga oo uu ku tilmaamay geesiyaal naftooda u huray difaaca dalka iyo sugidda nabadda caasimadda.

“Boqollaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa u shahiiday nabadda maanta Muqdisho lagu naaloonayo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isagoo shacabka ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada amniga.

Dhanka kale, RW Xamsa ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay in aysan siyaasadeyn arrimaha amniga iyo shaqada ciidamada, isaga oo sheegay in dowladda ay diyaar u tahay dhageysiga aragti kasta oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka gudbeen dabinno lagu wiiqayay jiritaanka iyo midnimada Qaranka, isla markaana maanta ay diyaar u yihiin hirgelinta doorashooyin xor ah oo qof iyo cod ah.