Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay jiraan dowlado malaayiin doollar ku bixiya sidii Soomaaliland loo aqoonsan lahaa, isla markaana Soomaaliya loo kala qeybin lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qorshahaasi uu qeyb ka yahay damac dibadeed oo lagu doonayo in qeybo kamid ah Soomaaliya ay saldhigyo ka sameystaan dowlado shisheeye oo uu ka xusay Israa’iil.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladaha qaar markii dowladda Soomaaliya ay go’aansatay inay dalka ka saarto maamulladii taageeray oo ilaa hadda diidan inay baxaan ay madaxdoodu Muqdisho u yimaadaan so si buu yiri ay shaqsiyaad mucaaradka Muqdisho kamid ugu meeriyaan waxa ay rabaan.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hadalladan ka jeediyay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay adkeeyaan midnimada iyo difaaca madax-bannaanida dalka, islamarkaana laga fogaado qalalaase iyo tallaabo kasta oo amniga wax u dhimi karta.