ADDIS ABABA, Goobjoog – Majalladda caanka ah ee The Economist ayaa warbixin dheer oo ay daabacday ku sheegtay in hami-siyaasadeedka iyo awood-jaceylka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ay khatar weyn ku yihiin midnimada dalkiisa iyo guud ahaan xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Warbixinta ayaa lagu xusay in Abiy Ahmed, oo isku diyaarinaya doorashada dalkaasi ka dhaceysa 1-da June, uu muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inuu awoodda dalka oo dhan isku koobo, isagoo meesha ka saaray ballanqaadkii ahaa inuu dalka u horseedi doono nidaam loo dhan yahay.
Tallaabooyinka uu qaaday ayaa lagu tilmaamay mid uu ugu dhowaanayo nidaamkii boqortooyo ee uu dalkaasi ka talin jiray boqorkii ugu dambeeyay ee Haile Selassie.
Khatarta Gudaha iyo Dagaalka Tigray-ga
The Economist waxay tilmaamtay in inkastoo Itoobiya ay ku tallaabsatay horumar dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, sida dhismaha garoomada diyaaradaha iyo biyo-xireenka weyn ee GERD, haddana maamulka Abiy uu wajahayo caqabado waaweyn oo gudaha ah.
Dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo xoogagga Tigray-ga intii u dhaxeysay 2020-2022, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, ayaa la sheegay inay weli muuqdaan calaamado muujinaya inuu dib u soo labakacleyn karo.
Waxaa kale oo lagu baaqay in doorashada ka dib uu Abiy Ahmed isbeddel ku sameeyo dastuurka dalka, si uu xilka ra’iisul wasaaraha ugu beddelo madaxweyne si toos ah loo soo doorto, taasi oo u oggolaanaysa inuu xukunka sii hayo muddo tobannaan sano ah.
Xiisadda Gobolka iyo Badaha
Warbixinta ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday in xiriirka sii xumaanaya ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo dalka dariska la ah ee Eritrea uu yahay mid welwel weyn xambaarsan.
Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa la sheegay inuu maleegayo qorshayaal ka dhan ah Abiy Ahmed. Sidoo kale, hamiga muuqda ee Abiy Ahmed ee ku aaddan inuu qeyb ka helo xeebaha Badda Cas ee dalka Eritrea ayaa baqdin weyn ku beeray reer Eritrea, taasi oo kordhinaysa halista ah in gobolku dib ugu laabto dagaal ba’an.
Ugu dambeyntii, majalladdu waxay ugu baaqday dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub, oo dhowaanahan dib u soo celinayay xiriirkii ay la lahaayeen Addis Ababa, inay awoodda ay u leeyihiin dhanka ganacsiga iyo maalgashiga u adeegsadaan inay ku cadaadiyaan Abiy Ahmed inuu qaado jid ka badbaado badan kan uu hadda cagta saaray.
Goobjoog News