U bood dhigaalka

Shirkadda Turkiga ee Favori oo Lagu Eedeeyay Tacaddiyo Ka Dhan ah Shaqaalaha Soomaaliyeed

Juun 3, 2026

Shirkadda Turkiga ee Favori, oo gacanta ku haysa adeegyo muhiim ah oo ka socda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa wajahaysa eedeymo culus oo ku saabsan sida ay ula dhaqmayso shaqaalaha Soomaaliyeed, iyadoo isla markaasna dowladda Federaalka Soomaaliya lagu dhaliilayo inay ka gaabisay difaaca xuquuqda muwaadiniinteeda.

Sida ay Goobjoog ka heshay ilo lagu kalsoon yahay , shirkadda Favori ayaa toddobaadkan shaqada ka erisay ku dhawaad 70 shaqaale Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood muddo dheer ka shaqeynayay garoonka.

Waxaa sidoo kale jira cabashooyin sheegaya in shaqaalaha loo bandhigay xaalad adag oo u dhexeysa inay lumiyaan xuquuqdooda dhaqaale ama ay lumiyaan shaqadooda.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah shaqaalaha loo sheegay inay ka tanaasulaan lacagaha sanadlaha ah iyo xuquuqo kale ee u uruursanaa haddii ay doonayaan inay sii shaqeeyaan, halka qofkii ku adkeysta in la siiyo xuquuqdiisa shaqada laga joojinayo.

Tallaabadaas ayaa dhalisay caro iyo walaac xooggan, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen cadaadis ka dhan ah shaqaalaha Soomaaliyeed.

Dhacdadan ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday dowladda Federaalka Soomaaliya, oo lagu eedeeyay inay ka aamusan tahay cabashooyinka soo noqnoqday ee ka dhanka ah shirkadaha ajnabiga ah ee dalka ka howlgala.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta hay’adaha shaqada, Wasaaradda Shaqada iyo maamulka garoonka aysan weli uga hadlin eedeymahan culus ama aysan u billaabin baaritaan rasmi ah.

Dadka dhaliilaya dowladda ayaa qaba in masuuliyadda ugu weyn ay saaran tahay hay’adaha dowladda ee looga fadhiyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Waxay ku doodayaan in haddii shirkad ajnabi ah ay awood u yeelato inay shaqaale badan erido ama cadaadis saarto iyada oo aan lala xisaabtamin, ay taasi muujinayso daciifnimo ka jirta nidaamka ilaalinta shaqaalaha dalka.

Qoysas badan oo ku tiirsanaa shaqaalaha la sheegay in shaqada laga eryay ayaa hadda wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, xilli ay sare u kacayaan kharashaadka nololeed iyo shaqo la’aanta ka jirta dalka.