U bood dhigaalka

Israa’iil oo Xarumo Militiri oo Qarsoodi ah ka Diyaarsatay Saddex Dal oo Muslin ah iyo Soomaalilaan

Juun 5, 2026

Sida lagu xusay Warbixin ay baahisay CNN, isla markaana ay soo xigatay Warbaahinta The Times of Israel, Maamulka Israa’iil ayaa intii uu socday dagaalkii ay la gashay Iiraan si qarsoodi ah ugu dirtay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah iyo saraakiil sirdoon dalka Azerbaijan, iyadoo, sidoo kale, la sheegay inay ka hawlgelisay xarun lagu shidaalsiiyo diyaaradaha dagaalka gudaha Soomaalilaan.

Sida ay CNN u sheegeen ilo xog-ogaal ahi, ciidamada iyo saraakiisha sirdoonka Israa’iil ayaa la geeyay deegaanno ku dhow xadka u dhexeeya Azerbaijan iyo Iiraan, si ay uga taageeraan hawlgallada militari ee ka dhanka ahaa Tehran.

Warbixintu waxay sheegtay in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay ku sugnaayeen meel qiyaastii 96 kiiloomitir u jirta magaalada Tabriz ee waqooyigalbeed Iiraan.

CNN ayaa, sidoo kale, sheegtay in Israa’iil ay adeegsatay xarumo kala duwan oo gobolka ku yaalla si ay u fududayso hawlgalladeeda militari, kuwaas oo ay ku jirto xarun lagu shidaalsiiyo diyaaradaha dagaalka oo la sheegay inay ka shaqaynaysay Somaliland xilligii dagaalka Iiraan.

Ilaa hadda ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland ama dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashadaasi.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay sii kordhayaan tartamada istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya quwadaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, gaar ahaan marka la eego muhiimadda ay Somaliland iyo dekedda Berbera u leeyihiin marinada ganacsiga iyo amniga gobolka.

Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa sheegaya in haddii xogtan la xaqiijiyo ay muujin karto sida dagaalka Israa’iil iyo Iiraan uu u saameeyay dalal iyo dhulal ka baxsan Bariga Dhexe, isla markaasna uu gaaray Geeska Afrika.