Muqdisho: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay daraasad lagu magacaabo “Daboolidda Farqiga Nafaqada ee Soomaaliya”, taas oo lagu qiimeeyay heerarka nafaqo-darrada, xaaladda suuqyada cuntada iyo noocyada cuntooyinka ay heli karaan qoysaska Soomaaliyeed.
Daraasaddan oo ay iska kaashadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo WFP ayaa soo bandhigtay xog ku saabsan caqabadaha hortaagan helitaanka cunto nafaqo leh, iyadoo sidoo kale lagu soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo dheelli-tirka baahiyaha nafaqo ee bulshada.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay si weyn ugu baahan tahay wacyigelin iyo daryeel ku saabsan cunnooyinka caafimaadka leh, si loo yareeyo saameynta nafaqo-darrada gaar ahaan haweenka iyo carruurta.




From the comments