Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay jiraan dalal shisheeye oo aan dan ka lahayn horumarka Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan in dalka uu ku sii jiro xaaladaha adag ee amni iyo horumar la’aanta.
Madaxweynaha oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto faragelinta dibadda iyo shaqsiyaadka gudaha dalka jooga ee uu ku eedeeyay inay u adeegayaan danaha shisheeye ee ka soo horjeeda horumarka Soomaaliya.
Wareysiga ayuu Madaxweynaha kaga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, geeddi-socodka wax ka beddelka dastuurka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, faragelinta Israa’iil iyo arrimo kale.




From the comments