U bood dhigaalka

Imaaraadka Carabta Oo Lagu Eedeeyay Inuu Iiraan U Fasaxay Balaayiin Doollar Iyadoo Wadahadallada Nabadda Ay Marayaan Heer Gabagabo Ah

Juun 13, 2026

Warbixin gaar ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay oggolaatay in la sii daayo balaayiin doollar oo la xiriira dhaqaalaha Iiraan, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid qayb ka ah dadaallada lagu dejinayo xiisadaha gobolka kadib dagaalladii u dhexeeyay Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil.

Sida ay Reuters u sheegeen ilo kala duwan oo gobolka ka tirsan, ugu yaraan 10 bilyan oo doollar ayaa lagu heshiiyay in loo fasaxo Iiraan, iyadoo in ka badan 3 bilyan oo doollar la sheegay in mar hore la sii daayay, xilli Ilo kale ay sheegeen in wadarta lacagta laga hadlayo ay gaari karto ilaa 20 bilyan oo doollar.

Warbixintu waxay xustay in heshiiskaan uu qayb ka yahay wada-xaajoodyo ballaaran oo socda, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha gobolka isla markaana dib loogu soo celiyo xiriirka dhaqaale iyo amni ee labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa si cad u beenisay wararka sheegaya in lacagahaas la sii daayay, ayadoo bayaan rasmi ah oo ay soo saartay wasaaraddu lagu sheegay in eedeymaha ku saabsan wareejinta lacagaha, gaar ahaan sheegashada la xiriirta 3 bilyan oo doollar, ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Dhanka kale, masuul ka tirsan dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in siyaasadda dalkoodu ay ku saleysan tahay yareynta xiisadaha iyo xoojinta nabadda gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Abu Dhabi ay taageersan tahay dadaallada lagu doonayo xasillooni waarta.