U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Tan iyo 2023 waxaan mucaaradka ka waynay aragti siyaasadeed oo aan ka doodno”

Juun 13, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 2023 uusan mucaaradka Soomaaliyeed ka helin aragti siyaasadeed oo cad oo laga wada-hadli karo, isagoo ku eedeeyay inay mar walba ku ekaayeen diidmo iyo mucaaradnimo aan xal lagu larin.

Madaxweynaha oo wareysi dheer siiyay Shakadda warbaahinta ee Dawan TV ayaa sheegay in kooxaha mucaaradka aysan miiska wada-hadallada keenin qorshe ama hindise siyaasadeed oo lagu gorfeeyo mustaqbalka dalka, balse ay ku koobnaayeen weero ay ka mid yihiin “waan diidanahay” iyo “waqtigeedii lama gaarin.”

“Tan iyo 2023 waxaan ka waynay inay la yimaadaan aragti siyaasadeed oo aan ka doodno, marna miiska ma aysan soo saarin wax ka badan diidmo joogto ah,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in mucaaradku ay ka soo horjeedeen qaar kamid ah guulihii waaweynaa ee dowladda u soo hoyday dalka, kuwaas oo uu xusay qaadistii cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd muddo dheer iyo dadaalladii horseeday deyn cafinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilliyadaas ay jireen warqado loo diray beesha caalamka oo lagu muujinayay diidmo iyo walaac ka dhan ah tallaabooyinka ay dowladdu wadday. Wuxuu ku eedeeyay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka inay marar badan ka shaqeeyaan dano shisheeye halkii ay mudnaan siin lahaayeen danaha qaranka Soomaaliyeed.

Wareysiga ayuu sidoo kale ku sheegay arrimo badan oo xasaasi ah, kuwaas oo ay kamid yihiin hannaanka doorashooyinka dalka, xaaladda amniga, wax ka beddelka dastuurka, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, eedeymaha ku saabsan faragelinno shisheeye oo uu ku jiro Israel, iyo arrimo kale oo quseeya mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.