U bood dhigaalka

Siihayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ku Baaqday In La Joojiyo Dagaallada Beelaha ee Hiiraan

Juun 21, 2026

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Marwo Sadiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, iyadoo ka digtay in rabshadaha sii socda ay khatar ku yihiin nabadda, wadajirka bulshada iyo nolosha dadka deegaanka.

Qoraal ay soo saartay ayay Marwo Sadiya ku muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto dagaalladii dhawaan ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo u dhexeeyay beelo wada dega deegaankaas.

“Dagaalka naxdinta leh ee dhex maray bulshooyin walaalo ah oo ku wada nool degmada Jalalaqsi waa arrin halis ah oo aan la iska indho tiri karin ama laga aamusi karin. Waxa uu dhaawacayaa nabadda, wada noolaanshaha bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka,” ayay tiri Guddoomiye Sacadiyo.

Baaqa ayaa imanaya xilli ay mar kale cirka isku shareereen xiisadaha ka taagan qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, halkaas oo muranno la xiriira dhul, daaq, kheyraad iyo tabashooyin deegaanka ka jira ay marar badan sababeen dagaallo dhimasho iyo dhaawac geystay.

Marwo Sadiya ayaa ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka, maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.

Waxay sidoo kale caddeysay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu taageersan yahay dadaallada lagu soo afjarayo dhiigga daadanaya iyo xoojinta nabadda iyo walaaltinimada bulshada ay colaaddu saameysay.

“Waxaan markale xaqiijinaynaa taageeradayada dhammaan dadaallada lagu joojinayo dhiigga shacabka Soomaaliyeed isla markaana lagu xoojinayo nabadda iyo walaaltinimada bulshooyinka deegaanka,” ayay sheegtay.

Dagaalladan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab iyo xoojinta maamulka iyo adeegyada dowladeed ee gobollada dhexe. Khubarada ayaa aaminsan in khilaafaadka beelaha ee aan weli xal waara loo helin ay caqabad ku yihiin horumarka amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay, haddana masuuliyiinta iyo odayaasha deegaanka ayaa wada dadaallo lagu gaarayo xabbad-joojin laguna xakameynayo in colaadda ay ku faafto deegaanno kale.

Ugu dambeyn Marwo Sadiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ka hormariyaan danta guud, nabadda iyo wada noolaanshaha bulshooyinka, si looga hortago dhiig dambe oo daata iyo xaalado amni darro oo hor leh.