Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmi doono madax iyo saraakiil ka tirsan dalalka gobolka si looga wada hadlo xaaladda amniga, siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xal looga gaaro arrimaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo wada-hadallada la filayo inay diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa heshiis ay ku mideysan yihiin dhinacyada Soomaalida.
Kenya ayaa muddooyinkii dambe door muuqda ka ciyaareysay dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana Nairobi lagu wadaa in lagu falanqeeyo xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee dalka.




From the comments