Nayroobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta qabatay kulankii ugu horreeyay ee Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Technical Working Group – TWG), kaas oo ay ka qaybgalayaan shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha ka shaqeeya xargaha badda hoosteeda mara, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka (ISPs), iyo khubaro farsamo, si loo xoojiyo adkeysiga iyo horumarinta waarta ee kaabayaasha Xargaha Badda Hoosteeda Mara ee Soomaaliya.
Aqoon-isweydaarsigan, oo soconaya laba maalmood, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adda iyo daneeyayaasha kale ee qaybta isgaarsiinta & teknoolojiyadda, kobcinta fahamka wadajirka ah ee caqabadaha horyaalla qaybta Xargaha Badda Hoosteeda Mara, iyo soo jeedinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo adkeysiga iyo isku halaynta kaabayaasha internet-ka xawaaraha sare leh ee dalka.
Inta uu socdo aqoon-isweydaarsigu waxaa diiradda lagu saarayaa maaraynta ciladaha xargaha ku yimaada, tartanka suuqa, horumarinta kaabayaasha, iyo hirgelinta qaab-dhismeedka sharciyeynta xeerarka lagu nidaaminayo Xargaha Badda Hoosteeda Mara ee dalkeenna.




From the comments