Afar carruur ah ayaa ku dhintay qarax ka dhashay madfac ka haray dagaalladii hore, kaas oo ka dhacay gobolka Dacaalic ee dalka Yemen, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.
Dhanka kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa diiwaangelisay dhimashada ugu yaraan 23 qof oo ay sababeen daadad xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ayay Yemen tan iyo dhammaadkii bishii Maarso ee sanadkan.
Daadadkan ayaa saameeyay deegaanno badan oo dalka ka tirsan, iyadoo kumannaan qoys ay wajahaan barakac, burbur hantiyeed iyo xaalado bani’aadannimo oo sii adkaanaya.




From the comments