Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu maalmaha soo socda ku sugnaan doono.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, amniga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Galmudug.
Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulammo la qaadan doona madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo dardargeliyo arrimaha horumarinta iyo xasilloonida deegaanka.
Sidoo kale, safarkan ayaa imanaya xilli ay jireen madmadow siyaasadeed oo dhowaan soo kala dhexgalay hoggaanka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wararka siyaasadeed ayaa tilmaamaya in kulammada la filayo inay diiradda saaraan xoojinta wada-shaqeynta iyo xal u helidda arrimaha taagan.
Dhinaca kale, waxaa jira saadaal ah in Galmudug ay noqon karto maamulka labaad ee lagu sameeyo isbeddel siyaasadeed, kaddib doorashadii dhowaan ka dhacday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin qorshe arrintaas la xiriira.