Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo la filayo inuu maalmaha soo socda ku sugnaan doono.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la xiriira dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, amniga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Galmudug.
Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulammo la qaadan doona madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo dardargeliyo arrimaha horumarinta iyo xasilloonida deegaanka.




From the comments