Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyey in baaritaan rasmi ah oo degdeg ah lagu sameeyo shirkadaha waaweyn ee shidaalka, isagoo ku eedeeyey inay diideen inay hoos u dhigaan qiimaha batroolka ee laga iibsado kaalimaha, xilli uu hoos u dhac weyn ku yimid qiimaha shidaalka cayriin ee caalamka.
Trump ayaa sheegay in shirkadahani ay macaash xad-dhaaf ah ka helayaan dadweynaha, maadaama qiimaha ay hadda shidaalka ku gadanayaan uusan la mid ahayn qiimaha jaban ee ay iyagu ku soo iibsadaan.
“Waxaan faray Wasaaradda Caddaaladda (DOJ) inay si degdeg ah u bilowdo baaritaanka arrintan,” ayuu Trump ku yiri qoraal xanaaq sanka ka muuqdo oo uu soo dhigay bartiisa Truth Social.




From the comments