Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo maanta ka dhacay Kontoroolka Koofureed ee magaalada Jowhar, xarunta Dowlad Goboleedka HirShabeelle.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka kontoroolka, waxaana dhaawac soo gaaray laba qof oo ku sugnaa goobta xilliga uu qaraxu dhacay.
Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo billaabay howlgallo lagu baarayo sababta qaraxa iyo cidda ka dambeysay.




From the comments