Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay fuliyeen hawlgal wadajir ah oo loo adeegsaday gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo militari oo Mareykanku ku leeyahay gobolka.
Bayaan ay soo saareen Ilaalada Kacaanka ayaa lagu sheegay in weerarkani uu jawaab u yahay waxa ay ku tilmaameen duullaannadii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku qaaday goobo ku yaalla gudaha Iiraan.
War-saxaafadeedka ayaa xusay in hawlgalku qayb ka yahay tallaabooyin ay Iiraan ku sheegtay inay ku difaacayso madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda qaran.




From the comments