Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray qeybta dhimirka ee haweenka ee Isbitaalka Laansaleeti, kaddib markii lagu sameeyay dayactir iyo dib-u-habeyn ballaaran.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, casri ah, isla markaana si caddaalad ah loo wada heli karo.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga taageerada ay ka geysatay hirgelinta mashruucan, isagoo xusay in iskaashiga noocan oo kale ah uu door muhiim ah ka qaadanayo dib-u-dhiska iyo tayeynta xarumaha caafimaadka dalka.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay sii wadi doonto maalgelinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo xoojiyo adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay.
Xukuumadda ayaa sheegtay inay dardar gelinayso qorshaheeda lagu horumarinayo adeegyada dadweynaha, iyadoo ujeeddadu tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeegyo hufan, casri ah, isla markaana wax ku ool u noqda baahiyahooda caafimaad.