Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Xarunta Qurbo-joogta Soomaaliyeed (Somalia Diaspora Centre), oo ah xarun cusub oo loogu talagalay in lagu xoojiyo xiriirka dowladda iyo malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalka dibadda, isla markaana kor loogu qaado kaalintooda horumarka dalka.
Xaruntan oo lagu dhisay maalgelin ay bixisay dowladda Shiinaha, ayaa noqon doonta goob lagu hirgeliyo Siyaasadda Qaranka ee Qurbo-joogta, iyadoo sidoo kale fududeyn doonta wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in qurbo-joogta Soomaaliyeed ay yihiin mid ka mid ah hantida ugu qiimaha badan ee dalka, isagoo ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaateen dib-u-dhiska Soomaaliya.
Wuxuu xusay in maalgashiga, xawaaladaha lacageed iyo aqoonta ay dibadda ka keenaan ay door weyn ka ciyaareen kobaca dhaqaalaha iyo dib-u-soo kabashada dalka.
Waxa uu sidoo kale caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga qurbo-joogta, isla markaana la abuuro hannaan u oggolaanaya inay si ballaaran uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha qaranka.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa sheegay in xaruntan ay sare u qaadi doonto kalsoonida iyo wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadda.
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, ayaa isaguna sheegay in mashruucan uu ka tarjumayo xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho, isagoo xusay in Shiinuhu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya dhinacyada horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Furitaanka Xarunta Qurbo-joogta ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay sare ugu qaaddo ka faa’iidaysiga awoodda iyo khibradda qurbo-joogta, kuwaas oo sannad kasta dalka u soo dira lacag lagu qiyaaso in ka badan hal bilyan oo doollar, taasoo laf-dhabar u ah dhaqaalaha qoysas badan, maalgashiga gudaha iyo taageerada bani’aadannimo.
Sidoo kale, mashruucan wuxuu muujinayaa ballaarinta iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo sannadihii u dambeeyay xoogga saaray horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta awoodda hay’adaha dowladda iyo taageeridda horumarka dhaqaale.