Goobjoog

In Ka Badan 300 Oo Sharciyaqaan Oo Sannadkan 2026 U Fariistay Imtixaanka Qareennimo

MUQDISHO, Soomaaliya (Goobjoog News) – Imtixaanka qareennimada qaranka ee sannadka 2026-ka ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay u fariisteen in ka baxan 300 oo qof oo…

In Ka Badan 300 Oo Sharciyaqaan Oo Sannadkan 2026 U Fariistay Imtixaanka Qareennimo

MUQDISHO, Soomaaliya (Goobjoog News) – Imtixaanka qareennimada qaranka ee sannadka 2026-ka ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay u fariisteen in ka baxan 300 oo qof oo doonaya inay helaan shatiga rasmiga ah ee ku-shaqaysiga xirfaddan. 


Tirada garyaqaanada sannadkan u fariistay imtixaanka ayaa muujinaysa kororsi wayn oo ka badan 50% marka loo eego sannadkii ugu dambeeyey ee imtixaanka la qaaday.


Habraaca iyo Shuruudaha Imtixaanka 2026
Imtixaankan oo muddo saddex saacadood ah ka socday xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaa qabanqaabadiisa iyo hirgelintiisa iska kaashaday:
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka
Maxkamadda Sare ee Dalka
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud
Guddiga Imtixaanka Qareennada


Murashaxiinta imtixaanka u fariistay sannadkan 2026 ayaa laga rabay inay soo buuxiyaan shuruudo adag oo ay ka mid yihiin inay haystaan shahaado jaamacadeed oo dhanka Sharciga ama Shareecada ah, iyo ugu yaraan hal sanno oo khibrad ama tababar xirfadeed ah oo la xiriira adeegyada garsoorka dalka.


Xoojinta Dawladnimada iyo Sharciga


Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macalin Maxamuud, oo kormeeray madasha imtixaanka, ayaa bogaadiyey tirada badan ee aqoon-yahannada sharciga ah ee u tartamaya shatiga qareennimo sannadkan.

“In ka badan 300 oo sharciyaqaan ayaa maanta u fariistay imtixaanka. Tani waxayna ku tusaysaa kalsoonida iyo sida ay dadku u soo dhoweynayaan sharciga iyo dawladnimada dalka,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in qof kasta oo ku baasa imtixaankan la siin doono shahaadada iyo shatiga rasmiga ah, si uu si sharci ah ugu adeego bulshada Soomaaliyeed dalka gudihiisa.

Gaba-gabadii, dib-u-bilaabashada imtixaankan sannadkan 2026 wuxuu qeyb ka yahay qorshayaasha ay dowladda ku kordhinayso tayada iyo aqoonta xirfadlayaasha u adeegaya adeegyada caddaaladda iyo garsoorka Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments