Muqdisho – Sawirro si weyn ugu faafaya baraha bulshada ayaa la sheegay inay muujinayaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Cirka ee dalka Bakistaan (PAF) oo tababar siinaya duuliyayaal Soomaaliyeed gudaha magaalada Muqdisho.
Haddii sawirradaasi la xaqiijiyo, waxay noqon doonaan astaan kale oo muujinaysa sii ballaarashada iskaashiga dhinaca difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Bakistaan.
Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli ay hore u jireen warbixino sheegayay in Soomaaliya iyo Bakistaan ay ka wada hadlayaan suurtagalnimada helitaanka diyaaradaha dagaalka ee JF-17 Thunder, iyo tababarka duuliyeyaasha iyo farsamayaqaannada Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.




From the comments