Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa shaaciyay in dib loo dhigay jadwalka Doorashooyinka Isku-sidka Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib wada-tashi ay la yeesheen ururrada siyaasadda, isla markaana la qiimeeyay codsiyo iyo soo-jeedinno la xiriira diyaar-garowga doorashooyinka.
Guddigu wuxuu sheegay in doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug oo markii hore loo qorsheeyay 20-ka Luulyo 2026, hadda loo asteeyay 25-ka Luulyo 2026, si daneeyeyaasha loo siiyo waqti dheeraad ah oo ay ku dhammaystiraan diyaar-garowga.
Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in dib-u-eegis lagu sameeyay jadwalka Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kadib codsiyo uga yimid ururrada siyaasadda iyo qiimeyn la xiriirta xaaladda diyaar-garowga musharraxiinta iyo habraacyada doorashada.
GMDQS ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ugu baaqday inay dardargeliyaan tababarrada iyo wacyigelinta xubnaha golayaasha deegaanka si ay ugu diyaar-garoobaan waajibaadka loo igmaday.
Gabagabadii, guddigu wuxuu adkeeyay sida ay uga go’an tahay qabsoomidda doorasho xor ah, hufan, loo dhan yahay, isla markaana ku dhacda jawi nabdoon oo waafaqsan shuruucda dalka.