U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Bari oo Guddi u Saaray Baaritaanka Dhacdadii Adhicaddeeye

Luuliyo 5, 2026

Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa magacaabay guddi loo xilsaaray baaritaanka iyo xal u helidda dhacdadii ka dhacday deegaanka Adhicaddeeye, halkaas oo dhowaan lagu laayay dad Rayid ah.

Wareegto hoggaamiye oo tirsigeedu yahay Xeer Lr. 14/26 ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigan ay timid kaddib markii hoggaamiyuhu uu dhageystay warbixinno ay soo gudbiyeen hay’adaha amniga, isla markaana ay waafaqsan tahay qodobka 72-aad ee Dastuurka maamulka.

Guddiga la magacaabay ayaa ka kooban shan xubnood oo kala ah Wasiir Cabdi Xasan Maxamed oo guddoomiye u ah, Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Ducaale, Wasiir Jaamac Faarax Muuse, Xildhibaan Cabdiqaadir Cabdi Warsame iyo Xildhibaan Cabdi Muuse Axmed.

Sida lagu sheegay wareegtada, guddiga ayaa loo igmaday inay si madax-bannaan u baaraan dhacdada, isla markaana dib u eegis ku sameeyaan doorkii iyo tallaabooyinkii ay qaadeen hay’adaha amniga ka hor iyo wixii ka dambeeyay dhacdada.

Hoggaamiyaha maamulka ayaa xubnaha guddiga u rajeeyay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, iyadoo la filayo in baaritaankooda uu iftiimiyo waxa sababay dhacdada iyo talooyinka lagu xoojin karo isla xisaabtanka iyo amniga.