Hay’adda Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan la socodka amniga maraakiibta ganacsiga (UKMTO) ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan weerar lagu qaaday markab shidaal oo marayay biyaha u dhow dalka Cumaan.
Sida ay hay’addu sheegtay, dhacdadu waxay ka dhacday qiyaastii 8 mayl-badeed bariga magaalada Liima ee Cumaan, halkaas oo markab shidaal ah oo u socday dhinaca koonfureed uu ku dhacay gantaal ama madfac.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in madfacaasi uu sababay dab ka kacay markabka, inkastoo aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay weerarka ama cidda ka dambeysay.




From the comments